Xagee ka Bilaabi kartaa barashada Networking πŸŒπŸ–§

barashada Networking waxay saameyn balaaran ku leedahy inaad barto qaybo badan oo kala duwan xiiriirna la leh teknolojiyda

Maqaalkan waxaan kugula wadaagayaa sidaa u bilaabi lahayd Networking adigoo kala dooranaya labo mid uun Network+ ama CCNA (Cisco Certified Network Associate) .

aan ku horeyno wadada saxda ah ee loo raaco barashada CCNA

πŸ‘‰ CCNA = barashada sida internet-ka iyo network-yada u shaqeeyaan + sida loo rakibo / xirxiro, loona maareeyo qalabka Cisco (routers & switches).

πŸ“š Maxaa lagu bartaa CCNA?

Waxaad ku baran kartaa casharo aad u fara badan oo ay kamid tahay kuwan hoos ku xusan sida:

  1. Network basics – IP address, LAN, WAN, OSI Model
  2. Routers & Switches – sida loo rakibo loona habeeyoaaladaha ay kamid yihiin Router, Switch, Server iyo kuwo kale.
  3. Subnetting – kala qaybinta IP-yada
  4. Routing & Switching – xogta sida ay u socoto ayadoo ka baxaysa hal Aalad una gudbaysa mid kale
  5. Network Security basics – firewall, amniga shabakadda
  6. Wireless & WiFi
  7. Automation & basics of programming (CLI commands)

🎯 Maxaa faa’iido ah oo aad heleysaa markaad bartid CCNA?

Markaad CCNA hesho:

  • Waxaad noqon kartaa Network Technician
  • IT Support
  • Network Administrator
  • Bilow wanaagsan oo Cyber Security & Cloud ah

⏳ Muddo intee le’eg ayey qaadataa barashada CCNA?

Haddii aad barato cel-celis:

  • 2–3 saac maalin kasta β†’waxaad ku baran kartaa mudo ah 3–4 bilood
  • Bilow hadii aad tahayna waxaad ku baran kartaa mud ah β†’ 4–6 bilood

πŸ“ Imtixaanka sidee loo gali karaa?

  • Hal exam: 200-301 CCNA
  • Online ama xarun imtixaan
  • Multiple choice + labs

βœ… Yaa ku habboon inuu barto CCNA?

CCNA waxay u fiicantahy qof walba oo rabo inuu meel fiican ka gaaro barashada computerka iyo ku shaqayntiisa sida:

  • Networking
  • Cybersecurity
  • Cloud
  • IT Support
  • System Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *