barashada Networking waxay saameyn balaaran ku leedahy inaad barto qaybo badan oo kala duwan xiiriirna la leh teknolojiyda Maqaalkan waxaan kugula wadaagayaa sidaa u bilaabi lahayd Networking adigoo kala dooranaya labo mid uun Network+ ama CCNA (Cisco Certified Network Associate) . aan ku horeyno wadada saxda ah ee loo raaco barashada CCNA 👉 CCNA = barashada sida internet-ka iyo network-yada u shaqeeyaan + sida loo rakibo / xirxiro, loona maareeyo qalabka Cisco (routers & switches). 📚 Maxaa lagu bartaa CCNA? Waxaad ku baran kartaa casharo aad u fara badan oo ay kamid tahay kuwan hoos ku xusan sida: Network basics – IP address, LAN, WAN, OSI Model Routers & Switches – sida loo rakibo loona habeeyoaaladaha ay kamid yihiin Router, Switch, Server iyo kuwo kale. Subnetting – kala qaybinta IP-yada Routing & Switching – xogta sida ay u socoto ayadoo ka baxaysa hal Aalad una gudbaysa mid kale Network Security basics – firewall, amniga shabakadda Wireless & WiFi Automation & basics of programming (CLI commands) 🎯 Maxaa faa’iido ah oo aad heleysaa markaad bartid CCNA? Markaad CCNA hesho: Waxaad noqon kartaa Network Technician IT Support Network Administrator Bilow wanaagsan oo Cyber Security & Cloud ah ⏳ Muddo intee le’eg ayey qaadataa barashada CCNA? Haddii aad barato cel-celis: 2–3 saac maalin kasta →waxaad ku baran kartaa mudo ah 3–4 bilood Bilow hadii aad tahayna waxaad ku baran kartaa mud ah → 4–6 bilood 📝 Imtixaanka sidee loo gali karaa? Hal exam: 200-301 CCNA Online ama xarun imtixaan Multiple choice + labs ✅ Yaa ku habboon inuu barto CCNA? CCNA waxay u fiicantahy qof walba oo rabo inuu meel fiican ka gaaro barashada computerka iyo ku shaqayntiisa sida: Networking Cybersecurity Cloud IT Support System Admin